Dibadbaxyo xoogan oo maalintii sadaxaad ka socda dalka Iiraan

Dibadbaxyo xoogan oo lagu dalbanayo in ay xilka ka dagaan madaxda Iiraan ayaa wali ka soconaya magaalada caasimada ah ee Tehraan kuwaasi oo galay maalintii sadaxaad.


Dhalinyarada Jaamacadaha ayaa ku soo biiray dibadbaxa oo yimid kadib caro ka dhalatay diyaaradii Ukraine oo todobaadkii hore ay soo rideen ciidanka kacaanka.


Dadka ku dhintay oo tiradoodu aheyd 176 ruux ayaa 80 ka mid ah waxay u dhasheen Iiraan, iyadoo xukuumada Tehraan arintaan ku tilmaamtay qalad Farsamo oo Dhacay.


Banaanbaxyada ugu daran ayaa maanta ka dhacay magaalada Isfahaan iyo caasimada iyadoo ay ka duwanaayeen kuwii dhacay labadii maalin ee la soo Dhaafay.


Muuqaalo la soo duubay ayaa muujinaya ciidanka amniga oo adeegsanaya rasaas nool si ay dadweynaha kaga celiyaan fagaaraha xoriyada Azadi ee magaalada Tehraan.

Balse war ka soo baxay laamaha amniga ayaa lagu beeniyay eeda ka dhanka ah ciidanka Amniga Iiraan.
Arintaan ayaa noqoneysa culeys kale oo ka dhan ah xukuumada heysa talada taasi oo wajaheysa cadaadis xoogan oo kaga imaanaya Mareykanka.

Faallooyin