Faransiiska oo marti galinaya shir looga hadlayo Mustaqbalka wadamada Galbeedka Afrika

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kulan la qaadan doona isniinta maanta hogaamiyeyaasha wadamada loo yaqaan Saahil ee dhaca galbeedka Afrika oo kala ah Mauritania, Mali, Burkina Faso, Niger Chad.


Kulanka oo ay martigalineyso dowlada Faransiiska ayaa waxaa looga hadli doona dagaal ka dhan ah kooxaha Argagixisada iyo joogitaanka Milatariga Faransiiska ee ku sugan Gobolka.


Khilaafka u dhaxeeya dowlada Faransiiska iyo wadamada Sahel ayaa mudooyinkan cirka isku sii shareeray taasi oo shaki galisay xiriirka labada dhinac iyadoo la filayo in isfahamwaagan looga hadlo kulanka ka dhacay magaalada Pau ee dhacda koonfurta Galbeed ee dalka Faransiiska.


Madaxweynaha Mali Ibrahim Boubacar Keita dhiggiisa Burkina Faso, Roch Marc Christian Kabore, Mahamadou Issoufou oo maamula Niger hogaamiyaha Mauritania Mohamed Ould Ghazouani, iyo madaxweyne Idriss Deby, ayaa ka soo muuqan doona kulanka Maanta.


Wadahadalka u dhaxeeya Faransiiska iyo wadamada Saahil ayaa la filayay in uu dhaco bartamihii December ee sanadkii hore inkastoo dib loo dhigay kadib markii weerar lagu dilay 71 askari oo ka tirsanaa ciidanka Niger.


Ku dhowaad 4,500 oo askari oo ka tirsan Milatariga Faransiiska ayaa ku sugan galbeedka Afrika kuwaasi oo taageera ciidanka wadamadan oo dagaal kula jira kooxo hubeysan oo gacan saar la leh ururada Al-Qaacida iyo Daacish.

Faallooyin