Dowlada Kenya oo ka hadashay weerar lagu dilay sadax Macalin oo ka dhacay Dagmada Fafi

Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in sadax macalin oo aan u dhalan gobolka waqooyi Bari xalay lagu dilay weerar la tuhmayaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen waaxda Kamuthe oo ka tirsan degmada Fafi ee ismaamulka Garissa.

Isku duwaha booliska ee gobolka waqooyi Bari Paul Soi ayaa xaqiijiyay in macalimiintan lagu qaarijiyay weerar dhacay abaara 2:30 Daqiiqo.

Mr Soi ayaa intaa raaciyay in ay wadaan baaritaanka qaabka uu weerarkan u dhacay maadaama deegaanka la weeraray uusan u dhoweyn xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Dhanka kale weerarkan ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka waxaana hada maqan adeegii Isgaarsiinta kadib markii dagaalamayaasha ay burburiyeen taawarka shirkada Safaricom.

Xildhibaanka degmada Fafi u matala aqalka Baarlamaanka Kenya mudane Cabdikariin Cosmaan Rati ayaa u xaqiijiyay Universal weerarkan waxaana uu ugu baaqay ciidanka Amniga in dabagal ay ku sameeyaan kooxihii ka Danbeeyay.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad uun kadib markii sadax afar arday oo soomaali ah lagu dilay weerar ka dhacay iskuulka hoose ee Sareedo oo ku yaal degmada Dadab.

Faallooyin