Deg:deg Ururka Al-Shabaab oo weerar ka Geestay Ismaamulka Garissa

Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday Waaxda Kamuthe oo ka tirsan degmada Fafi oo qiyaastii 45 kiilo mitir u jirta magaalada Garissa.

Weerarkan oo dhacay abaara 3-dii habeenimo ayaa waxaa ku dhintay sadax macalin oo aan u dhalan waqooyi Bari.

Maleeshiyada weerarkan ka danbeysay ayaa dhanka kale gubay taawarka shirkada Safaricom iyo saldhigga ciidanka booliska Kamuthe.

Mas,uuliyiinta deegaankan oo la hadlay Universal goor dhow ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin si qiimeyn loogu sameeyo qasaaraha Weerarkan.

Si kastaba ha ahaatee dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa kordhiyay todobaadyadii la soo dhaafay weerarada ay geysayaan gudaha kenya kaasi oo walaac ku abuuray shacabka gobolka waqooyi Bari.

Faallooyin