Madaxda Iiraan iyo Qatar oo ka hadlay xiisada ka taagan Bariga Dhexe

Amiirka dalka Qatar Shiikh Tamiim bin Xamad Al-Thaani ayaa sheegay in wadiiqada kaliya ee lagu xalin karo xiisada ka aloosan bariga dhexe ee u dhaxeysa wadamada Iiraan Mareykanka ay tahay oo kaliya wadahadal Nabadeed.

Shiikh Tamiim ayaa hadalkaan sheegay kadib kulan uu kula qaatay magaalada caasimada ah ee Tehraan Axada maanta ah Madaxweyne Xasan Ruuxaani iyo xubno sare oo ka tirsan Dowlada.


Booqashadan ayaa imaaneysa iyadoo xiisad dagaal ay ka aloosan tahay Bariga Dhexe taasi oo ka danbeysay shirqoolkii Mareykanka ku dilay taliyihii ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Qaasim Suleymaani.

Waxaan ku heshiinay walaalayaga Iiraan in wadahadal nabadeed oo kaliya lagu xalin karo xiisada ka aloosan gobolka ayuu yiri boqorka dalka Qatar oo kulanka kadib warbaahinta la Hadlay.

Faallooyin