Dowlada Ingariiska oo digniin ka soo saartay weeraro Argagixiso oo ka dhici kara Kenya

Dowlada Uk ayaa digniin dhanka socdaalka ah ka soo saartay dalka Kenya taasi oo la xiriirta suuragalnimada weeraro Argagixiso.

Muwaadiniinta UK ayaa loogu baaqay in feejignaan dheeri ah ay muujiyaan marka ay booqanayaan goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha gaar ahaan hoteelada maqaayadaha garoomada kubada iyo suuqyada laga Adeegto.


UK ayaa dhanka kale muwaadiniinteeda ku sugan Kenya ku boorisay in ay taxadar ka muujiyaan xarumaha dowlada saldhigyada gaadiidka rayidka sida Buses-ka iyo tareenada oo suuragal ay tahay in la Beegsado.

Goobaha ay weerarada ka dhici karaan ayaa waxaa ka mid ah ismaamulada dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya gaar ahaan Garissa Mandera iyo Lamu oo ka tirsan gobolka Xeebta.

Digniintan ayaa oo ku asteysneyd Sabtidii shalay ayaa waxaa soo saaray xafiiska waaxda arimaha dibada ee dhanka Barwaaqa Sooranka UK oo loo soo gaabiyo (FCO).

Faallooyin