Amiirka Qatar oo booqasho ku tagaya dalka Iiraan

Amiirka dalka Qatar Shiikh Tamiim bin Xamad Al-Thaani ayaa booqasho ku tagi doona Axada maanta magaalada caasimada ah ee Tehraan.

Mr Thaani ayaa kulamo la qaadan doona xubnaha sare ee dowlada oo uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Ruuxaani.

Booqashadan ayaa imaaneysa xilli xiisad dagaal ay ka jirto bariga dhexe kadib dilkii Janaraal Khaasim Suleymani loogu geestay magaalada Baqdaad iyo weerarkii Iiraan ku qaaday ciidanka Mareykanka ee ku sugan Ciraaq.

Wixii warar ah ee ku soo kordha booqashada Amiirka Qatar uu ku tagayo Iiraan waxaa kala socon doontan wararka yaga Danbe Insha Allaah.

Faallooyin