Ciidanka Kenya oo loogu baaqay in Hubkooda ay qaataan xiliyada ay ku socdaalayaan Gaadiidka Dadweynaha

Ciidanka Amniga Kenya ee ku sugan gobolka waqooyi Bari ayaa loogu baaqay in hubkooda ay qaataan xiliyada ay ku socdaalayaan wadada dheer ee Xariirisa Ismaamulada Garissa iyo Mandera.

Barasaabka Ismaamulka Wajeer Mudane Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in arintaan ay yareyn karto weerarada kooxaha Argagixisada.

Mr Cabdi ayaa tusaale u soo qaatay todobo askari oo saarnaa Bus-ka Madiina oo Al-Shabaab qaarijiyeen jimcihii hore in qaarkood ay badbaadi lahaayeen hadii ay hubkooda wadan Lahaayeen.

Inkastoo dadkii lagu laayay wadada u dhaxeysa magaalada Kutulo iyo deegaanka Wargaduud ee u dhaxeysa Mandera iyo Wajeer dhamaantood loo filayay dad rayid ah ayaa dowlada Kenya waxay xaqiijisay in todobo ka mid ah ay ahaayeen ciidanka Booliska.

Faallooyin