Maxkamada dalka Baxreyn oo xukun adag ku riday shaqsiyaad maleegayay Kacdoon Dadweyne

Maxkamada sare ee dalka Baxreyn ayaa xukun xabsi Daa'in ah ku riday shaqsiyaad loo heesto in ay maleegayeen kacdoon ka dhan ah Dowlada.

Xubnaha la Maxkamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah shaqsiyaad u ololeeya xuquuqda aadanaha kuwaasi oo dhaliilay xukuumada boqor Al Khalifah.

Bogga afka carabiga ah wax ku qora ee Bahrain Mirror ayaa tabiyay in eedeysanayaasha la xukumay lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin adeegsiga hub aan sharci aheyn sida Bambaanooyinka Qarxa.

Dhanka kale dowlada Baxreyn ayaa sheegtay in eedeysanayaal kale ay isaga baxsadeen dalkeeda iyaga oo ka cabsanaya in la Maxkamadeeyo.

Garsoorayaasha Maxkamada ayaa dhanka kale amray in sideeda eedeysane ee la xukumay in ay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 100,000 oo diinaar una dhiganta 265,000 oo doolarka Mareykanka.

Xukunadaan ayaa waxaa canbaareeyay hey,adaha u dooda xuquuqda Aadanaha.

Faallooyin