Dalalka Turkiga Ruushka iyo Iiraan oo war ka soo saaray xaalada Suuriya

Wadamada Turkiga Iiraan iyo Ruushka oo loolan ugu jira dadaalada Nabada ee Suuriya ayaa walaac ka muujiyay maleeshiyaadka ku sugan gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya.

War saxaafadeed si wadajir ah uga soo baxay dalalkaan kadib markii uu soo idlaaday arbacada maanta ah shirka 14-aad ee dib u heshiisiinta oo ka dhacay caasimada Nuuru-Sultan ee dalka Kazakistan ayay sheegeen in ay ka go,antahay xal u helida dalkaan Carbeed.

Dhanka kale wadamadan ayaa tilmaamay in walaacooda ugu weyn uu yahay kooxaha Argagixisada ee wali heesta gobolka Idlib ee ku dhaxmilan dadka Rayidka.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay Milatariga Suuriya oo garab ka helaya kuwa Ruushka ay ka sheeganayeen weerarada dabley gacan saar la leh Al-Qaacida gaar ahaan Jabhada Al-Nusra.

Faallooyin