Dowlada Iiraan oo diiday sii deynta Muwaadiniin u dhashay Faransiiska

Dowlada Iiraan ayaa diiday faragalinta dalka Faransiiska oo ay ku tilmaantay mid aan la aqbali karin ficilada Paris.

Qoraal uu ku soo qoray barta Twitter-ka afhayeenka wasaarada arimaha dibada Iiraan Cabaas Mousavi ayuu ka biyo diiday codsiga madaxweyne Emmanuelle Macron, ee la xiriiray sii deynta laba maxbuus oo u dhashay Faransiiska.

Waa in aysan hilmaamin dowlada Faransiiska in Iiraan ay tahay dal madaxbanaan ayna aqbali doonin in la faragaliyo, ayuu yiri Mousavi.


Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii madaxweyne Macron uu ka carooday xariga ciidanka amniga Iiraan kula kaceen muwaadiniin u dhashay Faransiiska oo uu sheegay in cawaaqib uu ka dhalan doono hadii aan la sii Deynin.

Faallooyin