Hogaamiyaha Myanmar oo difaacday howlgalada ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya

Ra'isul Wasaaraha dalka Myanmar Ms An Suu Kyi ayaa difaacday eedaha loo jeedinayo ciidanka Milatariga ee ka dhanka ah xasuuqa shacabka Muslimiinta ah ee Rohingya.

Ms Kyi oo ka soo muuqatay maxkamada sare ee qaramada Midoobay ee magaalada Hague ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay xadgudubka ka dhacay gobolka Rakhine.

Haweeneydaan oo qaadatay bilad sharafeedka nabada ee Nobel Peace oo mudo 30 daqiiqo ah ka hadleysay Maxkamada ayaa intaa raacisay eedahan ay ka dhigeen in xabsi guri ay ku noqoto dalkeeda sanadihii la soo Dhaafay.

Dhanka kale waxay tilmaantay in Milatariga ay la dagaalamayeen maleeshiyo hubeysan oo gacan saar la leh kooxaha Argagixisada.

Ms Suu Kyi ayaa dhanka kale ku dhaliishay dowlada Gambia oo geysay dacwadan kuna hadleysa afka 57-da dal ee Iskaashiga Islaamka, ay tahay eeda ka timid marin habaabin iyo waxba kama Jiraan.


Inkabadan 740,000 oo qowmiyada Muslimiinta ee Rohingya ayaa u barakacay sanadkii 2017-dii wadanka dariska ah ee Bangladesh kadib howlgal Milatari oo ka dhacay gobolka Rakhine.

Faallooyin