Saameyn ka dhalatay Weerarkii Askariga Sacuudiga ka Geestay Mareykanka

Dowlada Mareykanka aa gaabsatay in sharaxaad dheeri ah ay ka bixiso go,aanka ay ku joojisay tababarka ciidanka Sacuudiga.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa askari Sacuudiyaan ah wuxuu toogasho ka geestay xero ciidan oo ku taal gobolka Florida, waxaana ku dhintay sadex Sargaal ka hor inta aysan booliska ninkaan Toogan.

Go,aanka Washington ayaa saameyn doona inkabadan 300 askari oo ka tirsan ciidanka cirka Sacuudiga oo tababar ahaan u jooga Mareykanka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay waaxda Pentagon-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in askartaan ay sii qaadan doonaan casharada luuqada Ingariiska.

Maxamed Al-Shamrani oo ahaa 21 jir ka tirsanaa ciidanka cirka ee boqortooyada Sacuudiga ayaa dilay sadex ka mid ah saraakiisha xerada Pensacola ee ciidanka cirka Mareykanka.

Ilaa iyo hada lama cadeyn sababta ka danbeysa weerarkaan waxaana arintaan laga yaabaa in saameyn ay ku keento taageerada Washington ay siiso Sacuudiga.

Faallooyin