Diyaarad dagaal oo Mareykanka looga Burburiyay dalka Liibiya

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad nooca duuliye la,aanta ah ee Drone-ka loo yaqaan looga Bururiyay dalka Liibiya.

Washington ayaa ka dalbatay xukuumada Moscow in ay bixiso qasaaraha soo gaaray 22-dii bishii hore oo diyaaradan dhulka la soo Dhigay.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in diyaaradan markii la soo riday ay waday howlo loogu kuurgalayo xaalada Amniga Liibiya.

Taliyaha guud ee ciidanka Mareykanka Janaraal Stephen Townsend ayaa sabtida maanta ah sheegay in ay aaminsan yihiin in diyaarada ay soo rideen ciidanka Janaraal Khaliifa Haftar ama kuwa shirkada Milatari Wagner Group
ee ka dhinac Dagaalamaya.

Janaraal Stephen ayaa intaa raaciyay in Ruushka uu ka gaabsaday Arintaan ayna u sheegeen in aysan waxba ka Ogeyn diyaarada laga soo Riday.

Wadamada reer Galbeedka ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku eedeeyay xukuumada Moscow in ay qeyb ka tahay hurinta colaada iyo falalka amni darro ee ka jira dalka Liibiya.


Wadankan ku yaal waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka socday dagaalo ahli ah tan iyo markii xilka xoog ay uga tuureen wadamada NATO madaxweynihii geeriyooday ee Mucamar Al-Qadaafi.

Faallooyin