Mareykanka iyo Iiraan oo Maxaabiis Isweydaarsaday

Seynisyahan u dhashay dalka Iiraan oo lagu magacaabo Dr Mascuud Suleymaani ayaa ka dagay magaalada caasimada ah ee Tehraan.

Dowlada Mareykanka ayaa sii deysay mr Suleymaani oo mudo sanad ah uu u xirnaa kadib heshiis maxbuus kala badalasho ah oo labada wadan ay Gaareen.


Seynis-yahankan ayaa madaarka diyaaradaha Mehrabaad ee caasimada Tehraan ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan dowlada Iiraan iyo xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Heshiiska Maxbuus kala badalashada ayaa ka dhacay caasimada Surich iyadoo uu goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada Maxamed Javad Zarif.

Dowlada Iiraan ayaa dhankeeda sii deysay muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan u dhashay Shiinaha laguna Magacaabo Xiyue Wang.

Mr Wang ayaa sanadkii 2017-dii lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kadib markii dowlada Iiraan ay ku eedeeysay falal Basaasnimo.

Faallooyin