Wasiirka Amniga Kenya oo loogu baaqay in uu Iscasilo

Hogaamiyeyaasha gobolka waqooyiga bari Kenya gaar ahaan Ismaamulka Garissa ayaa dhaliil u jeediyay wasiirka amniga gudaha Dr Fred Matiangi.

Mudanayaal ka tirsan golaha deegaanka Garissa oo la hadlay Universal ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin falalka amni darro iyo weerarada Al-Shabaab ay  geesteen maalmihii la soo Dhaafay.

Mudane Cabdulaahi Kabe oo aqalka golaha deegaanka Garissa u matala magaalada Burra ayaa ugu baaqay in uu iscasilo wasiirka amniga Kenya.

Mr Kabe ayaa tilmaamay in Mataingi uu faraha la galay howl aan loo dirsan gaar ahaan u ololeynta doorasho aan waqtigeeda la Gaarin.

Ugu danbeyn wuxuu ku baaqay in uu xilka ka dego ama uu howsha loo igmaday iyo waajibaadka amniga uu u guto sida loogu Talagalay.

Hadalkaan ayaa imaanaya 24 saac kadib markii ururka Al-Shabaab ay 10 qof oo todoba ka mid ah ahaa askarta Kenya ay ku dileen weerar ka dhacay xadka ay wadaagaan Ismaamulada Wajeer iyo Mandera.


Faallooyin