Ururka Talibaan oo xaqiijiyay Wadahalka Nabada ee dib uga bilowday dalka Qatar

Dowlada Mareykanka iyo ururka Taalibaan ayaa wadahadal dib uga bilaabay magaalada dooxa ee dalka Qatar Sabtida Maanta.

Shirka labada dhinac ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha sare ee arimaha siyaasada u qaabilsan Talibaan iyo Matalayaasha Mareykanka.


Sadex bil ka hor ayaa madaxweyne Donald Trump uu meesha ka saaray wadahalka oo socday tan iyo sanadkii hore ee 2018-ka, kadib markii ururka taalibaan uu sheegtay mas,uuliyada weerar lagu dilay askari Mareykan ah oo ka dhacay magaalada Kabul.

Matalayaasha Mareykanka ee kulanka ka dhacay maanta magaalada Dooxa ayaa waxaa hormuud u ahaa Zalmay Khalilzad sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay waaxda arimaha Dibada.

Dhanka kale ururka Taalibaan ayaa xaqiijiyay kulanka u dhaxeeya saraakiishooda dhanka siyaasada dibada iyo matalayaasha Mareykanka.



Wadahadalkaan cusub ee dib u bilowday ayaa la filayaa in lagu soo afmeero dagaalka 17-sano ee la soo dhaafay ka socday wadanka Afghanistan.

Faallooyin