Askari u dhashay Sacuudiga oo weerar dhimasho dhaliyay ka geestay xero ciidan oo ku taal dalka Mareykanka

Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijisay in muwaadin u dhashay Sacuudiga oo booqasho la xiriirta tababar uu ka danbeeyay weerar lagu qaaday xerada ciidanka Badda ee ku taal gobolka Florida jimcihii Shalay.

Weeraryahanka ayaa toogasho ku dilay afar askari oo Mareykan ah kuwaasi oo ku sugnaa xerada Pensacola.

Waa markii labaad oo todobaad gudihiis dalka Mareykanka ay ka dhaceyso weerar dhaliyay qasaare Nafeed.

Barasaabka Florida Ron DeSantis ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ka danbeeyay askari Sacuudiyaan ah oo ka qeyb qaadanayay Tababarkaan.

Askariga ka danbeeyay weerarkan ayaa rasaas ooda uga qaaday fasal ay ciidanka ku sugnaayeen waxaana uu toogtay sadex askari ka hor inta ay ciidanka Amniga toogan Isaga.

Washington iyo Riyaad ayaa waxaa ka dhaceeya xiriir taariikhi ah, iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa Weerarkaan.

Faallooyin