La tuhmayaal ka tirsan Al-Shabaab oo dad ku laayay gobolka waqooyi Bari Kenya

Dagaalyahano lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa sideed ruux oo rakaab ah ku dilay deegaanka Wargaduud ee ka tirsan Ismaamulka Mandera.

Rakaabkan oo saarnaa Bus-ka Madina ayaa kooxaha hubeysan ay u galeen wadada iyagoo deetana kala miray Rakaabka.

Dadka la dilay ayaa dhamaantood ahaa Kenyan aan Islaam aheyn sida ay Universal u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Amniga Kenya.

Gaariga Bus-ka oo ka tagay Wajeer ayaa ku sii jeeday magaalada Mandera.

Si kastaba ha ahaatee xiisad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa inta u dhaxeysa magaalada Kutulo oo ka tirsan ismaamulka Wajeer iyo deegaanka Wargaduud.

Weerarkaan ayaa imaanaya 48 saac kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka dhiciso oo qiyaastii 25 kiilo mitir u jirta magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya.

Faallooyin