Muqdisho oo 10 sano kadib ku talaabsatay Hormar dhanka Amniga iyo Dhaqaalaha

Magaalada caasimada ah ee dalka ayaa maalin ba maalinta ka danbeysa ku sii talaabsaneysa hormaro kala duwan oo dhanka dhaqaalaha Amniga iyo Bilicda.

Inkastoo 10 sano ka hor ay magaaladu aheyd meel nolol ahaan iyo amni ahaan laga quustay ayaa hada ay u muuqataa mid la iska Hilmaamay sanadihii murugada Badnaa.

Ciidanka dowlada oo garab ka helaya kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa ku guuleestay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka saaraan Caasimada sanadkii 2009-kii.

Inkastoo ay wixii waqtigaasi ka danbeeyay qaraxyo lama ilaawaan ah oo dad badan ay ku dhinteen caasimada ka fuliyeen Al-Shabaab ayaa hadane isbadal muuqda ay hada u muuqataa in amniga caasimada laga Gaaray.

Dhanka ganacsiga marka la soo hadal qaado ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dhisay daaro waaweyn oo la mid ah kuwa ku yaal Caasimadaha Dunida.


Arintaan ayaa waxaa door weyn ka cayaaraya maal qabeeno soomaaliyeed oo badi ka yimid Qurbaha.

Meelaha maal galinta lagu sameeyay oo Isha qaban karto ayaa waxaa ka mid ah xeebta Liido ee dhacda dhanka waqooyi ee caasimada Muqdisho.

Falanqeeyayaasha dhanka amniga ayaa qaba hadii ay sidaan ku sii socoto xaalada ay keeni doonto in kobaca dhaqaalaha dalka gaar ahaan magaalo madaxda ay sare u Kacdo.

Dabayaaqadii bishii Agoosto ayaa warbixin ka soo baxday Baanka Aduunka waxaa lagu sheegay in dhaqaalaha caasimada uu sare u sii Kacayo.

Faallooyin