Dhulgariir dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay wadanka Burundi

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay kadib dhulgariir ka dhacay deegaano ku yaal dhanka waqooyiga Bari ee wadanka Burundi.

Dhul gariirka ayaa lala xiriirinayaa roob xoogan oo maalmihii la soo dhaafay ka socda dalkan ku yaal Afrika, sida laga soo xigtay Dowlada.

Wasaarada arimaha gudaha aya bogga ay ku leedahay Twitter-ka ku soo qortay Khamiista Maanta in todobo qof ay ku dhaawacmeen halka ay maqan yihiin 10 Ruux.

Meelaha dhul gariirka ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Nyempundu, Gikomero iyo Rukombe ku yaal xadka Burundi ay la wadaagto Rwanda.


Dhanka kale waxaa burburay guryo ay daganaayeen dadka rayidka oo biyuhu qaadeen iyadoo hada baadi goob xoogan loogu jiro dadka Maqan.

Faallooyin