Dad rayid ah oo ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Aleppo

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in dagaalyahanada ku sugan waqooyiga gobolka Aleppo ay bilaabeen weeraro ka dhan ah dadka Rayidka.

Madaxa hey,ada xalinta qilaafaadka Suuriya ee dalka Ruushka Mr Yuri Borenkov ayaa sheegay in 10 caruur ah ay ku dhinteen madaafiic ku dhacday garoon lagu cayaaro kubada oo ku yaal magaalada Tal Rifaat.

Mr Borenkov ayaa intaa raaciyay in 120 madfac laga soo tuuray dhanka koonfur bari ee Magaalada.

Sargaalkan ayaa intaa raaciyay in dhaawac uu soo gaaray 13 ruux oo todobo ka mid ah ay yihiin caruur mid ka mid ahna xaaladiisa ay Liidato.

Faallooyin