Iiraan oo soo dhaweysay dadaal kasta oo lagu raadinayo Nabada wadanka Yemen

Wasaarada Arimaha dibada Iiraan ayaa soo dhaweysay dadaal kasta oo lagu raadinayo xal nabadeed oo loo helo colaada ka taagan wadanka Yemen.

Wasiirka Arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif ayaa khamiista maanta ah ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka in dagaal aan lagu keeni karin kala duwanaanta u dhaxeysa madaxda wadankan Carbeed.


Dhanka kale xukuumada Tehraan ayaa soo dhaweysay dadaalada nabada ee garwadeenka ay ka tahay qaramada midoobay ee sanadkii 2018-dii ka bilowday caasimada Stockholm ee dalka Sweden.

Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa duulaan ku qaaday sanadkii 2015-kii wadanka Yemen iyadoo tan iyo waqtigaas dagaal xoogan kula jira Maleeshiyada Xuutiyiinta.

Faallooyin