Maxkamada ICC oo Bilowday dhageysiga danbiyo Dagaal oo loo heesto Mareykanka

Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka Aduunka ee (ICC) ayaa bilowday sadex maalin oo dhageysi ah oo ku aadan danbiyo dagaal oo Mareykanka ka sameeyay wadanka Afghanistan.

Garsoorayaasha Maxkamada ayaa diiday bishii April ee sanadkaan codsi ay u gudbisay dacwad soo oogaha guud ee maxkamada ICC
Fatou Bensouda.

Haweeneydaan ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyo suuragalnimada tacaddi bani aadanimo oo Milatariga Mareykanka iyo kuwa Afghanistan ay Geesteen intii u dhaxeysay sanadkii 2003-dii ilaa 2004-tii.

Garsoorayaasha ayaa maalintii arbacada ee shalay u ogolaaday qareenada in baaritaan lagu sameeyo danbiyada Mareykanka oo horay ay u Diideen.

Qareenka lagu magacaabo Fergal Gaynor ayaa sheegay in maalin Taariikhi ah ay tahay in lagala xisaabtamo Mareykanka danbiyada uu Galay.

Faallooyin