Mareykanka oo Kumanaan Askari u Daabulay Bariga Dhexe

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa beenisay warbixin lagu qoray wargeys ka soo baxa dalkaasi oo ah in 14,000 askari oo dheeraad ah Mareykanka  u diray Bariga Dhexe.

Askartaan ayaa loogu talagalay in ay xaqiijiyaan amaanka danaha Mareykanka iyo in laga hortago caqabado kaga yimaada Iiraan.

Wargeys-ka Wall Street oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo diiday magacooda ayaa xaqiijiyay in tan iyo bilowgii sanadkaan ciidaman loo daabulay Bariga Dhexe.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in go,aankan uu qaatay madaxweyne Donald Trump.
 
Balse arintaan ayaa waxaa beeniyay wasaarada Difaaca Mareykanka.

Afhayeenka wasaarada Gaashaandhiga Alyssa Farah ayaa qalad ku tilmaantay warbixinta lagu qoray wargeyska Wall Street.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xukuumada Washington bilihii la soo dhaafay dadaal ugu jirtay Duulaan ka dhan ah Iiraan.

Faallooyin