Diyaaradaha dagaalka Suuriya oo dad rayid ah ku laayay gobolka Idlib

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradaha dowlada Suuriya ay ka geesteen gobolka Idlib.

Hey,ada difaac rayidka ee suuriya ee loo yaqaan White Helmets ayaa xaqiijisay in dadkaan lagu dilay laba suuq oo lagu Iibiyo Qudaarta oo ku yaal magaalooyinka Maarat Al-Nucam iyo Saraqeb.

Deegaanadan ayaa waxaa si xoogan gacanta ugu haya dagaalyahanada hubeysan gaar ahaan kooxda Al-Nusrah.


Duqeymaha ay geesteen diyaaradaha Suuriya Isniinta maanta ah ayaa ku soo aadaya iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Milatariga Suuriya iyo Maleeshiyada Al-Nusrah uu ka dhacay gobolka Idlib.

Faallooyin