Wadamada Ruushka iyo Shiinaha oo daahfuray mashruuca ugu weyn ee Gas-ka Dabiiciga

Hogaamiyeyaasha wadamada Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka qeyb galay daahfurka dhismaha tubo weyn oo Gas-ka dabiiciga ka qaadi doonta Ruushka ilaa dalweynaha Shiinaha.

Tani ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka ganacsi ee labada wadan iyadoo xukuumada Beijing ay ka faa'ideysan doonto dhuunta Gas-ka oo ka bixi doonta magaalada Siberia.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa daahfurka Mashruucaan uga qeyb qaatay muuqaal ka baraha bulshada ee dhanka Internet-ka.


Tubada Gas-ka oo dhismaheeda ay ku baxayso Malaayiin Dollar-ka Mareykanka ayaa dhirirkeedu dhan yahay 3,000 oo kiilo Mitir marka la fiiriyo halka ay bilaabato oo ah bariga Siberia ilaa waqooyiga bari ee Shiinaha.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tubadan ay noqon doonto Mashruuca ugu weyn ee Gas-ka dabiiciga ah ee Caalamka.

Sanadka 2025-ta ayaa marka la gaaro waxaa sanadkii uu Shiinaha heli doonaa adeega dhuuntan 38 millon oo Cubic.

Marka la gaaro sanadka 2025- ayaa la filayaa in uu gaaro Gas-ka isaga gudbaya bariga gobolka Siberia.

Tani waa taariikh weyn waxayna faa'iido u tahay guud ahaan caalamka ma ahan labada wadan oo kaliya ayuu yiri Mr Putin oo ku sugnaa magaalada Sochi ee bada Madow.

Heshiiska labada wadan ayaa lacagta ku baxeysa waxay dhan tahay 200 billon oo dolar-ka Mareykanka, sida uu xaqiijiyay madaxweyne Xi Jinping.

Faallooyin