Faransiiska oo ku eedeeyay cadaadiska Mareykanka ku hayo wadama xubnaha ka ah NATO

Wasiirka Difaaca Faransiiska ayaa ku dhaleeceysay dowlada Mareykanka in ay ku qasbeyso xulufadeeda NATO in ay ku qasbeyso hubka casriga ah oo ay soo halka ay gadan lahaayeen kuwa Kale.

Hadalkaan ayaa yimid maalmo kadib markii Madaxweyne Emmanuel Macron, uu ku eedeeyay Washington isku xirnaan la,aanta NATO.

Wargeys-ka todobaadlaha ah ee Le Journal du Dimanche ayaa qoray hadal wasiirka difaaca Florence Parly, uu ku eedeeyay in Mareykanka uu ku si qasab ah wadamada NATO uga iibinayo diyaaradaha casriga ah ee F-35.

Faransiiska ayaa dhanka kale difaacay wadamada ay u xulafada yihiin in ay iibsadaan hub kale halka ay gadan lahaayeen diyaaradaha Mareykanka oo qiimahoodu aad u Sareeyo.

Wadamada Talyaaniga,Norway, Ingariiska, iyo Holand ayaa diyaaradahan u Iibsaday.

Dhanka kale Washington ayaa ka fikireysa in diyaaradaha F-35 ay ka iibiso dalalka Gariiga Romania Spain iyo Poland.

Dowlada Turkiga oo horay ula gashay heshiis la xiriira Iibka diyaaradahan oo malaayiin doolar hormar ahaan uu u dhiibay ayaa xukuumada Washington ay ka baxday kadib markii dowlada Ankara ay soo Iibsatay gantaalaha difaaca Ruushka ee S-400.


Dowlada Faransiiska ayaa dhanka kale ku dhaliishay Mareykanka talaabada uu ku cunaqabateynayo wadamada aan Iibsan hubka uu Farsameeyo.

Faallooyin