Shiinaha oo xayiraad saaray Markab Milatari oo laga leeyahay Mareykanka

Dowlada Shiinaha ayaa xanibaad ku soo rogtay markab Milatari Mareykan ah oo doonayay in uu ku xirto dekada magaalada Hong Kong.

Xanibaada shiinaha ayaa timid kadib markii aqalka Congress-ka uu meel mariyay sharci taageeraya dibadbaxyada ka socda Hong Kong todobaadkii la soo Dhaafay.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada shiinaha Hua Chunying ayaa oo warbaahinta la hadlayay Isniinta maanta ah ayaa sheegtay in talaabadan ay uga Jawaabayaan go,aanka dowlada Mareykanka.

Ms Chunying ayaa intaa raacisay in ay sidoo kale xayiraad saareen hey,ado aan dowli aheyn oo laga leeyahay Mareykanka kuwaasi oo kala ah National Endowment for Democracy, Human Rights Watch iyo Freedom House.

Dhamaan hey,adahan ayaa xukuumada Beijing ku eedeysay in ay qeyb ka yihiin dhibaatada ka taagan Hong Kong.

Faallooyin