Shirka Iskaashiga wadamada Khaliij-ka oo ka dhici doono dalka Sacuudiga

Shirka sanad laha ah ee wadamada Khaliij-ka ayaa todobaadka soo aadan la filayaa in lagu qabto dalka Sacuudiga xilli ay cirka isku sii shareereyso xaalada amni ee Gacanka.

Kulankan oo ah kii 40-aad ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan lix wadan,sida lagu dhawaaqay xilli danbe ee Axadii Shalay.

Qodobada muhiimka ah ee diirada lagu saari doono ayaa waxaa ka mid ah arimaha siyaasada Difaaca dhaqaalaha iyo isdhaxgalka arimaha Bulshada.

Xoghayaha guud ee wadamada Khaliij-ka Mr Cabdiladhiif bin Rashiid Al Zayaani, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray dhanka kale ku sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono hormarada laga gaaray siyaasada gobolka iyo tan Caalamka.

Kulanka GCC oo markii hore la filayay in uu ka dhaco Imaaraadka ayaa la ogeyn sababta keentay in loo weeciyo Sacuudiga.

Saraakiisha sare ee gudiga wadamadan ayaa ka gaabsaday sababta looga wareejiyay shirkaan wadanka Imaaraadka oo uu ka dhici lahaa 10-ka bishan December.

Ururkaan ayaa waxaa xubno ka ah wadamada Bahrain, Kuwait, Cumaan, Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga.


Wasiirka Arimaha Dibada Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa bishii hore warar soo baxay sheegayeen in uu ka qeyb qaadan doono shirka ka dhacaya magaalada Riyaad.

Faallooyin