Tababar kor loogu qaadayo xirfada dumarka Saxafiyiinta ah oo lagu qabtay Kismaayo

Tababar kor loogu qaadayo xirfada gabdhaha Saxafiyiinta ah ee ka shaqeeya hey,adaha warbaahinta Jubbaland ayaa ka socda magaalada Kismaayo.

Arintaan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay sidii dumarka loogu dhiiri galin lahaa qabashada howlaha ugu sareeya ee shirkadaha Warbaahinta.

Cabdirisaaq Sh Maxamed Africa oo ka mid ah qabiirada saxafaada ee Jubbaland oo casharo la xiriira siminaarkan ka bixiyay oo la hadlay  Universal ayaa sheegay in muhiim ay tahay kor u qaadida xirfada Dumarka Saxafiyiinta.

Waxaa ka mid ah in ay noqon karaan tifaftirayaasha warbaahinta gudaha oo aysan ku Badneyn.

Si kastaba ha ahaatee tababarkaan oo maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo ayaa waxaa la filayaa in uu wax ka badalo sare u qaadida saxafiyiinta dumarka Jubbaland.

Faallooyin