Dowlada Suuriya oo guul ka sheegatay dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Idlib

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidanka Amniga Suuriya iyo maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Qaacida ayaa ka dhacay gobolka Idlib.

Wakaalada wararka dowlada ee SANA ayaa tabisay axada maanta ah in dagaalka uu ka dhacay tuulada Kafaria oo xero ciidan ay ku leeyihiin Milatariga Suuriya.

Sargaal ciidan oo ku sugan gobolka waqooyiga Galbeed ayaa sheegay in ay fashiliyeen Weerarka.

Dowlada Suuriya ayaa ku eedeysay duulaankan maleeshiyada Jabhatul Nusra oo ka mid ah faraca Al-Qaacida.

Sidoo kale dagaalyahanada Al-Nusrah ayaa isku dayay in ay xoog ku qabsadaan tuulada Xijaas oo ka tirsan degmada Maarat Al-Nucmaan.

Xukuumada Bashar Al-Assad ayaa isku dayeysa in ay la wareegto gacan ku heynta gobolka Idlib oo badi gacanta ugu jira ururada Hubeysan.

Faallooyin