Saraakiisha Milatariga gobolka Gedo oo baaq u diray madaxda Dowlada Dhexe

Ciidamada Milatariga gaar ahaan guutada 49-aad ee ku sugan magaalada Baardheere ayaa maalintii sadaxaad dagaalo goos goos ah kula jira xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalka labada dhinac ayaa yimid kadib markii ciidanka amniga ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano hoostaga Baardheere.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa ilaa iyo hada aan la Ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala Gaaray.

Sawir Qaade la shaqeeya ciidanka Milatariga ee ku sugan Baardheere ayaa Universal u xaqiijiyay in ciidanka Amniga ay ku yartahay Sahayda ay Heestaan.

Saraakiisha sare ee ciidanka Milatariga Gedo ayaa ka codsaday wasaarada difaaca iyo madaxda qaranka in ciidanka ay la soo gaaraan tasiilaadka ay u baahan Yihiin.

Faallooyin