Dowlada Ciraaq oo bilaabeysa Maxkamadeynta Mas,uuliyiin lagu tuhmayo Musuq-Maasuq

Sargaal sare oo ka tirsan dowlada Ciraaq ayaa sheegay in ay socoto qorshe Xarig iyo Maxkamadeyn ah oo ay wajihi karaan mas,uuliyiinta dowlada ee lagu helo falalka la xiriira Musuq-maasuqa iyo Xadida.

Mr Sacad Al-Xadiithi oo ah afhayeenka dowlada ayaa u sheegay wakaalada wararka Ciraaq in Maxkamada Sare ay ku amartay ciidanka amniga iyo golaha garsoorka in ay sameeyaan wadashaqeyn toos ah si cadaalada loo horkeeno mas,uuliyiinta lagu tuhmayo dhaca hantida Dadweynaha.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalkan carbeed ay gilgileen todobaadyadii la soo dhaafay dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo shaqo la,aanta heysata dhalinyarada iyo musuqa hareeyay xarumaha dowlada Ciraaq.

Mr Xadiithi ayaa ugu danbeyn sheegay in howlgalka la dagaalanka Musuqa lagu beegsan doono wasiirada xildhibaanada iyo saraakiisha kale ee ka shaqeeya xarumaha Dowlada.

Maxkamada sare ee ciraaq ayaa cadeysay mas,uulkii lagu helo danbi in uu muteysan doono xabsi iyo in uu soo celiyo hantida dadweynaha ee lagu Tuhmayo.

Faallooyin