Kumanaan ruux oo ku Barakacay fatahaada Wabiga magaalada Garissa oo caawinaad Helay

Deeq Gargaar ah ayaa la Gaarsiiyay dad ku barakacay fatahaada wabiga Tana Rive ee mara magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi Bari Kenya.

Gargaarkan oo isugu jiray raashin iyo mara kaneeco ayaa waxaa iska kaashaday hey,ada laanqeyrta cas ee Red Cross ee dalka Kenya iyo dowlada goboleedka Garissa.

Barasaabka ku xigeenka Garissa iyo mas,uuliyiin kale oo hormuud ka ahaa bixinta Gargaar-kan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan caawinta dadka ku barakacay fatahaada wabiga mara Garissa oo loo yaqaan Tana River.

Mr Dhaqane ayaa intaa ku daray in 1,560 oo ruux ay ka faa'ideesteen Gargaar-kan.

Mashruucaan ayaa waxaa la filayaa in uu ka sii socdo xeryaha kale ee barakacayaasha ee ku yaal magaalada Garissa gaar ahaan iskuulada Kazuko, iyo Hyuga oo qoysas badan ay ku sugan Yihiin.

Faallooyin