Mareykanka oo lagu dhaliilay xayiraada uu ku soo rogay saraakiil sare oo ka tirsan Dowlada Iiraan

Saxafiga falanqeeya arimaha siyaasada Mr Marcus Steven Papadopoulos,ayaa sheegay in shirkadaha baraha Bulshada sida Google Facebook iyo Twitter aysan madaxbanaani xiriir dhowna la leeyihiin Dowlada Mareykanka.

Mr Papadopoulos oo ka hadlayay Sabtida maanta ah xanibaada la saaray ciwaanada saraakiil ka tirsan dowlada Iiraan ayaa intaa raaciyay in Mareykanka iyo Ingariiska ay ku tumanayaan xoriyada Hadalka.

Wuxuu intaa raaciyay in wadamadan ay doonayaan in aduunka ay ku raaxeestaan halka ay xanibaad ku hayaan Iiraan si aan waafaqsaneyn shuruucda Caalamiga.

Mr ayaa dhanka kale tilmaamay in Washington iyo London ay iska dhigayaan kuwa mas,uul ka ah fikirka dhamaan wadamada reer Galbeedka.

Saxafigaan falanqeeya siyaasada ee u dhashay UK ayaa ugu danbeyn sheegay in Mareykanka marwalba uu isku dayi doono in uu meesha ka saaro madaxbanaanida wadamo ay ka mid tahay Iiraan.

Ugu danbeyn wuxuu tilmaamay in xayiraada lagu soo rogay cinwaanada madaxda Iiraan ay isbadal keeni doonin dowlada Tehraan maadaama aysan daneynin adeegsiga baraha Bulshada.

Faallooyin