Xildhibaan Aadan Barre oo ka hadlay Bayaankii Guurka ee ka soo baxay Culimada Ijara

Hogaamiyaha golaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya ahna xildhibaanka bartamaha dagmada Garissa mudane Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay bayaankii ay dhowaan soo saareen culimada degmada Ijara oo ku saabsanaa in hoos loo dhigo qiimaha guurka Hablaha.


Mr Barre oo ka hadlayay arintaan ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn go,aanka ka soo baxay culimada koonfurta IJara ayna tahay in kor loo qaado qiimaha guurka Dumarka.


Isaga oo sii hadlayay ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in uu aad ula yaabay markii uu maqlay hadalkaan isaga oo intaa raaciyay in dumarka Ijara ay yihiin kuwa ugu qiimaha badan Garissa marka ay timaado Dhaqashada.


Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay ragga boorsooyinka wata in aysan ku lu go'in safarka iyo guurka raqiista ah ee degmada hablaha degmada Ijara.


Hadalkaan ayaa noqday mid maalmihii la soo dhaafay hareeyay baraha Bulshada iyadoo dhalinyarada ay hadal heyn ka dhigteen safarka Ijara.

Faallooyin