Labada aqal oo Ansixiyay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyada Dowlada

Mudanayaasha aqalka sare iyo kan hoose ayaa meelmariyay Miisaaniyada xukuumada kadib kulan hal fadhi ah oo maanta ka dhacay magaalada, kaasi oo diirada lagu saarayay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyada oo golaha wasiirada meel Mariyeen.

Madasha ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo dhiggiisa golaha sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Intii uu kulanka socday ayaa mudanayaal badan ay ka hadleen walow miisaaniyada dowlada uu dhaliilay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xisbiyada Mucaaradka.

Dhanka kale shir gudoonka ayaa amray in markale la isugu soo laabto kulan ceynkani oo kale ah si loo ansixiyo Akhrinta Miisaaniyadda labaad ee sanadka 2020-ka.

Faallooyin