Dowlada Hindiya oo beenisay dhibaatada ka taagan gobolka Kashmiir

Dowlada Hindiya ayaa sheegtay in ay caadi tahay xaalada gobolka ay xanibaada saaran tahay oo Kashmiir oo ay ku nool yihiin Bulshada Muslimiinta.

Wasiirka amniga gudaha Amit Shah, ayaa ka hor sheegay Arbacada maanta kulan ay yeesheen Baarlamaanka oo ka dhacay magaalada Delhi in aysan jirin dhibaato ka jirta xiligaan gobolka Kashmiir.

Mr Amit ayaa intaa ku daray in sidoo kale dadka ay awoodaan in ay helaan Gas-ka lagu kariyo cuntada shidaalka gaadiidka iyo raashinka qutul Daruuriga.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo boqolaal ruux oo kashmiiriyiin shacab iyo Siyaasiin isugu jira ay xabsiyada ku jiraan tan iyo bishii Agoosto ee Sanadkaan.

Subaxnimadii hore ee saaka ayay aheyd markii wasiirka gobolada, G. Kishan Reddy uu sheegay in dowlada ay xabsiga dhigtay 5,000 oo ruux oo lagu eedeeyay rabshado balse la sii daayay qaarkood ayna hada xiran yihiin 609 qof oo danbiyo halis ah loo Heesto.

Hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa canbaareeyay xanibaada saaran shacabka gobolka Kashmiir waxaana wali gobolkaas ka maqan adeega Isgaarsiinta, tiiyoo ay dheer tahay in gobolka aysan ka jirin gaadiid galaya ama ka soo bixi Kara.

Faallooyin