Ruushka oo digay ciidamada dheeraadka ah ee Mareykanka u Daabulayo Sacuudiga

Dowlada Ruushka ayaa ka digtay qorshaha Mareykanka uu kumanaanka askari ugu dirayo Sacuudiga in ay hurineyso xiisada ka taagan gacanka Khaliijka.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Ruushka Mikhail Bogdanov ayaa hadalka ka soo yeeray uu imaanayaa maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku wargaliyay aqalka hoose ee Congress-ka in la kordhin doono ciidamada Mareykanka ee ku sugan Sacuudiga.

Waxaa la filayaa in 3,000 askari uu dheeri ah todobaadyada soo aadan uu Mareykanka u daabulo Sacuudiga, sida lagu xaqiijiyay warqad ka soo baxday aqalka Cad.

Agabyada kale oo ciidanka wataan ayaa waxaa ka mid gantaalaha difaaca taageeri doona howlgalada diyaaradaha cirka iyo qalabka Radar-ka loo yaqaan ee la socda dhaqdhaqaaqa Amniga.


Donald Trump ayaa dhanka kale u sheegay aqalka Congress-ka in ay ka dhisi doonaan Sacuudiga saldhig difaac oo xoogan si loo xaqiijiyo danaha Amniga Mareykanka ee bariga Dhexe.

Digniinta ka soo baxday dowlada Ruushka ayaa ku soo aadeysa iyadoo bilihii la soo dhaafay ay sare u sii kaceysay xiisada ka taagan bariga dhexe ee u dhaxeysa wadamada Mareykanka iyo Iiraan.

Faallooyin