Koox Dabley ah oo weerar Qasaare dhimasho dhaliyay ka geestay wadanka Congo

Ugu yaraan 10 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay laba weerar oo maleeshiyo hubeysan ay ka geesteen bariga Dimuquraadiga Congo Arbacada Maanta.

Raadiyaha ku hadla afka qaramada midoobay oo loo yaqaan Okapi ayaa xaqiijiyay in magaalada Beni lagu dilay todoba ruux oo da'dooda u dhaxeysay sadex jir ilaa 14 Jir.

Qaramada midoobay ayaa dhanka kale sheegtay in sadex ruux ay dagaalyahanada hubeysan ku toogteen deegaanka Oicha oo 30 kiilo mitir u jirta goobta uu ka dhacay weerarka Hore.

Dhanka kale ciidanka amniga Congo ayaa wacad ku maray in ay burburin doonaan maleeshiyada hubeysan ee ku sugan dhanka Bariga

Weerarka ayaa lagu eedeeyay maleeshiyada SDF oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Uganda kuwaasi oo dagaal adag kula jira ciidanka Amniga Congo.

Mr Teddy Kataliko oo u shaqeeya ururada bulshada maxaliga ayaa sheegay in dab la qabad siiyay 14 guri iyo kaniisad ay lahaayeen masiixiyiinta Catholic-ga oo ku taal degaanka Oicha.

Ugu yaraan 60 ruux ayaa ku dhintay tan iyo bilowgii bishii October kadib weeraro xoogan oo ay ka geesteen maleeshiyada ADF waqooyiga gobolka Kivu.

Faallooyin