Xaalada wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dagan kadib dagaal dhaxmaray ciidanka Dowlada

Waxaa caadi ku soo laabatay oo hada dagan xaalada Isgoyska Ex koontarool ee ku yaal wadada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib shaqaaqo galabta dhaxmartay ciidamada Amniga Dowlada.


Dagaalka ayaa yimid kadib markii muran uu dhaxmaray ciidamo ka tirsan booliska iyo kuwa ilaalinaya dhismaha ka socda wadada taasi oo ugu danbeyn dhalisay gacan ka Hadal.


Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii dadweynaha iyo gaadiidka wadadan mashquulka Badan.


Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka amniga ayaa durbaba ku baxay iyadoo lagu guuleestay in xaalada caadi lagu soo Celiyo.


Wasaarada amniga ayaa ilaa iyo hada ka hadlin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada Dowlada.

Faallooyin