Wasaarada arimaha dibada Iiraan oo fariin hanjabaad ah u dirtay dowlada Mareykanka

Xukuumada Tehraan ayaa u yeertay safiirka Swisserland ahna matalaha Iiraan iyo Mareykanka ugu kala dabqaada danaha labada dhinac, si wax looga weydiiyo dibadbaxyada rabshada wata ee ruxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Iiraan.


Dowlada Iiraan ayaa sheegtay in Washington ay wado faragalin gudaha oo ka dhan ah maamulka Kacaanka Islaamiga.


Mr Markus Leitner ayaa looga yeeray xarunta wasaarada arimaha Dibadda waxaana la hordhigay cabasho toos ah oo la xiriirta talaabada uu Mareykanka ku taageeray dibadbaxyada rabshada wata ee gilgilay dhowr magaalo oo ku yaal dalka Iiraan.


Rabshadaha ayaa yimid kadib markii dowlada Iiraan ay qiimo kordhin ku sameysay Gas-ka taasi oo dhalisay carada Dadweynaha.


Wasiirka arimaha dibada Mohammad Javad Zarif ayaa canbaareeyay dadaalada Mareykanka uu ku doonayo in uu ku burburiyo dhaqaalaha Iiraan waxaana uu intaa ku daray in qawaaniinta caalamiga ah xitaa aysan ku jirin habdhaqanka Washington.


Mr Zarif ayaa intaa ku daray in Mareykanka uu qaadi doono mas,uuliyada waxwaliba oo ka dhaca Iiraan ayna la xisaabtami Doonaan.


Todobaadkii hore ayay aheyd markii xoghayaha arimaha diabada Mareykanka Mike Pompeo uu sheegay in Washington ay taageereyso dadka wada dibadbaxyada looga soo horjeedo maamulka Iiraan.

Faallooyin