Dowlada Mareykanka oo taageertay deegaameynta Israel ka wado dhulka Falastiin

Hogaamiyeyaasha Falastiin ayaa ka carooday hadal ka soo yeeray maamulka Madaxweyne Donald Trump kaasi oo jabinaya sharci sanado badan dowlada Mareykanka ay uga soo horjeeday dhismaha sharci darrada ah oo Israel ka wado dhulka Falastiin.


Xoghayaha Arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo ayaa isniintii shalay sheegay in Washington ay ku qaldaneyd fikir ahaan marka la fiiriyo aragtida wasaarada arimaha dibada Mareykanka ugu tilmaantay in uu sharci darro yahay deegaameynta Israel.


Go,aanka Mareykanka oo u muuqda mid uu ku taageerayo Israel ayaa waxaa caro xoogan ka muujiyay garabyada siyaasadeed iyo hogaamiyeyaasha Falastiin.


Ra'isul wasaaraha Falastiin Maxamuud Maxamed Shtayyeh ayaa canbaareeyay go,aanka Pompeo, waxaana uu ku tilmaamay mid dib u soo celinaya dadaalada uu Benjamin Netanyahu ugu jiro in dhul hor uu uga dhiso marinka magaalada Gaza.


Dhanka kale afhayeenka madaxtooyada Falastiin Nabil Abu Rudaineh ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Mareykanka waxaana uu ugu baaqay wadamada caalamka in ay Diidaan.

Faallooyin