Wasaarada Amniga Kenya oo kaalinta koowaad ka gashay dhanka Musuq Maasuqa

Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Kenya ayaa kaalinta koowaad ka gashay meelaha ugu musuq maasuqa badan sanadkii la soo dhaafay ee 2018-ka, sida ay xaqiijiyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqa dalkaas oo loo yaqaan EACC.


Kaalinta labaad ee dhanka musuq maasuqa wasaaradaha Kenya ka jira ayaa guddiga Anshaxa iyo Musuq maasuqa ku sheegeen wasaarada Caafimaadka.


Warbixintaan oo daaha laga qaaday talaadada maanta ah ayaa muujineysa in wasaarada Amniga oo uu hogaanka u hayo Fred Matiangi musuqa ka jira uu yahay 47.5, halka wasaarada caafimaadka xadida iyo wax isdaba marinta ka jirta ay tahay 17.9 boqolkiiba, sida ku cad Xogta.


Dhanka kale Ismaamul goboleedka Wajeer ee gobolka waqooyi Bari oo Soomaalida degto ayaa noqday sanadkii sadaxaad oo xiriir ah Ismaamulada ugu musuq maasuqa badan Kenya.

Xeeldheerayaasha dhanka Amniga ayaa qaba in musuq maasuqa hareeyay wasaarada Amniga Kenya ay muujineyso sida dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerarada qorsheysan ay uga fulinayaan gudaha Kenya.

Faallooyin