Boqolaal ruux oo bukaan ah oo adeeg caafimaad loogu sameeyay Isbitaalka Xaawo Cabdi

Cisbitaalka Xaawo Cabdi Ee Magaalada Muqdisho Ayaa baaritaano daaweyn Iyo Khaliin Lacag La'aan ah u fuliyay 725 qof oo bukaan qaba xanuuno kala Duwan.

Bukaanadan ayaa qaarkood xaaladooda ay adkeyd in wax laga qabto gudaha magaalada caasimada ayaa hada uu la tacaalayaa Isbitaalka iyadoo la filayo in dhowaan dibada loogu qaado daaweyn caafimaad.

Dhaqaatiirta fulisay howlahaan caafimaad ee bilaashka oo ka timid wadanka Turkiga ayaa qaliin ku sameeyay dad qaarkood uu wadnahooda Duleelay.

Agaasimaha Isbitaalka Xaawo Cabdi Dr Maxamed Xasan oo u waramay Universal ayaa sheegay in 25 ruux qaliin ay ku sameeyeen halka 138 kalena si bukaan jiif ah loo dhigay Isbitaalka kadib markii la qiimeeyay xaaladooda Caafimaad.

Bukaanada ayaa qaarkood waxaa maskaxdooda laga saaray rasaas ku dhacfay sida ay sheegtay Drs Xaawo Cabdi oo ah maamulaha guud ee Isbitaalka.

Dhanka kale waxay u mahad celisay dhaqaatiirta Turkiga ee u yimid dalka in ay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed

Faallooyin