Xukuumada oo sheegtay in ay diyaar tahay Doorasho laga qabto Dalka

Ra'isul wasaare ku xigeenka xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay doorashada guud ee dalka la filayo in ay ka dhacdo sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Mr Guuleed oo ka hadlay shir dhinaca tiknoolajiyada oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada ay diyaarineyso doorashada sanadka soo socda Dhaceysa.

Dhanka kale wuxuu meesha ka saaray shakiga ah in aysan dhici doonin doorashada ayna diyaar u tahay Dowlada.

Ugu danbeyn wuxuu sheegay in Xisbiga dowlada uu soo socdo diyaarna ay u yihiin in markale ay loolamaan mas,uuliyiinta ugu sareysa Dalka.

Faallooyin