Sargaal sare oo ka tirsanaa ururka Islaamic Jihaad oo lagu dilay duqeyn Isreal ka geysatay magaalada Gaza

Ururka Islaamic Jihaad ee dalka Falastiin ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiishooda sare lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Qaza.

Warsaxaafadeed ka soo baxay garabkan hubeysan talaadada maanta ah ayaa lagu xaqiijiyay in geerida Baaha Abuu Al Catta oo 42 jir ahaa in uu ku dhintay Gurigiisa.

Ururada ka dagaalama Falastiin ayaa dhanka kale sheegay in diyaaradaha Israel ay duqeyn u geesteen guriga mid ka mid ah hogaamiyeyaasha siyaasada uu ka dagan yahay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.

Duqeyntan ayaa dhanka kale waxaa ku dhintay xaaska sargaalka sare ee Islaamic Jihaad.

Guriga la duqeeyay oo ku yaal degmada Shejaiya ee magaalada Gaza ayaa qeybo ka mid ah ku burburay gantaalaha ku Dhacay.

Ururka Islaamic Jihaad ayaa balan qaaday in ay aargudan Doonaan.

Dhanka kale ururka Xamaas ayaa sheegay in Isreal ay qaadan doonto mas,uuliyada cawaaqibka ka dhasha Weerarkan.

Milatariga Israel ayaa dhankooda sheegay in howlgalkaan uu amray ra'isul wasaare Benjamin Netanyahu, waxaana ay ku eedeeyeen Catta in uu doonayay weeraro ka dhan ah Israel.

Faallooyin