Dardaaran loo jeediyay Saxafiyiinta ka howlgasha Soomaaliland

Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland ayaa soo xiray xuska maalinta saxaafada Soomaaliland oo sanadkii afaraad lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Shirka ayaa oo socday labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka saxafiyiinta Soomaaliland ee Solja.

Waxaa ka soo qeybgalay dhamaan saxafiyiinta ku sugan Soomaaliland ee u shaqeysa warbaahinta madaxa banaan marti sharaf iyo madax ka socota Dowlada.

Xuska maalinta saxaafada Soomaaliland oo sanadkiiba la qabto sagaalka bisha October ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka saxafiyiinta abaalmarino la Gudoonsiiyay.

Mas,uuliyiintii ka hadashay madasha ayaa ugu baaqay in saxafiyiinta ay ka shaqeeyaan hormarka dadka iyo Deegaanka.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil Seylici, oo soo xiray shirka ayaa bogaadiyay shaqada ay bulshada u hayaan saxafiyiinta waxaana uu kula dardaarmay in ay sii laba Jibaaraan shaqada ay u hayaan Dalkooda.

Faallooyin