Gudoomiyaha ONLF oo la filayo in lagu dhawaaqo kadib doorasho ka dhacday magaalada Godey

Waxaa Socota tirinta codadka tartanka gudoomiyaha xisbiga ONLF ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyadoo xubnaha wax dooranaya ay codadka Dhiibteen.

Xubnaha ururka oo maalmihii la soo dhaafay uu shir uga socday magaalada Goday ee caasimada gobolka Shabeelle ayaa caawa la filayaa in lagu kala baxo cidda noqoneysa gudoomiyaha Ururka.

Waxaa ku loolaamaya xilka laba musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Maadeey iyo Axmed Yaasiin iyadoo midkii hela codadka ugu aqlabiyada badan uu noqon doono gudoomiyaha Xisbiga.

Waxaa hada socota tirinta codadka  iyadoo goordhow la filayo in lagu dhawaaqo gudoomiyaha cusub ee xisbi siyaasadeedka ONLF.

Faallooyin